Dagaal cusub oo saakay laga baqayo inuu ka qarxo, Laascaanood ee Gobolka Sool

Reading Time: < 1 minute

Xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa saaka oo Sabti ah laga dareemaya guud ahaan Gobolka Sool. Xiisaddan u dhexayaa ciidamada Somaliland iyo Beesha Dhulbahante oo sii xoogaysanaysa ayaa ka dhalatay shacabkii lagu laayay Laascaanood.

Degmooyinka Gobolka Sool qaarkood ayaa waxa saaka ka socda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska horjeeda. Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale aad u cakiran waxaana weli xiran suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga.

Somaliland ayaa ciidamo badan duldhigtay Laascaanood waxaana xalay guryaha magaalada qaarkood u daatay ciidamo lagu magacaabo RRU oo dad rayid ah xiray. Colaaddan ayaa noqonaysa middii labaad ee dhexmarta ciidamada Somaliland iyo Beesha Dhulbahante iyadoo tii hore ka dhacday Gobolka Cayn