Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degamada Buulo-Burde

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaa wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan, waxa xalay  dagaal culus ka dhacay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, dagaalkaas ayaa  dhexmaray AMISOM, ciidanka dowladda iyo Alshabaab.

Ururka Al Shabaal Dagaal ayaa sheegatay in ay weerar ku qaadeen talisyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo mudo socday,sida ay sheegeen dad ku sugan degmadaas. Dowlada ayaa sheegatay in ay iska difaaceen. Cismaan Geeddi oo ah guddoomiye ku-xiegenka degmada Buulo-burde ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Alshabaab isla markaana ay khasaare gaarsiiyeen raggii weerarka ka dambeeyey.

Al Shabab ayaa degaalkooda ka soo qaaday dhinaca Galbeed ee degmada Buulo-Burde,isla markaana Ciidamada wax khasaaro ah kasoo gaarin dagaalkii dhexmaray labada dhinac,sidoo kalena xaaladu ay tahay mid degan. Majirto cid katirsan saraakiisha dowladda iyo AMISOM oo ka hadashay dagaalkaasi waxaase dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa mid aad u kharaar oo aysan labada dhinac waxba isula harin.