Dagaal culus oo u dhexeeya Shabab iyo ciidanka dowladda oo ka socda ex-kontrol Af Gooye (Deg Deg)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa gebi ahaanba istaagay isku socodka gawaarida isaga goosha magaaloyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ex koontrool Afgooye, ilaa xoosh iyo siinka dheer ka socda dagaal ba’an oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Shabaab.

Warar aan ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid aad u weyn kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Shabaab oo aad u tira badan.

Kooxda Shabab ayaa qorsheyneysa in aay qabsadaan magaalada Muqdisho halka ciidamada dowladda aay kaga hortageen weerarka Shabaab.

Waxaa dadka deegaanka oo MOL la hadashay ay noo sheegeen in meydad tira badan aay safan yihiin hareeraha waddooyinka halka uu dagaalka ka socda. Meydadka ayaa isugu jira kuwa ciidanka iyo kooxda shabaab.

Faah faahin dheeraad ah naga filo goor dhow