Dagaal culus oo saakay markale ka qarxay duleedka Magaalada Laascanood

Reading Time: < 1 minute
Sida ay sheegayaan wararka  saakay naga soo gaarayo magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada millatariga Somaliland iyo dad deegaanka ayaa saaka mar kale ka qarxay jiidaha hore ee ay isku horfadhiyaan labada dhinac.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalka saakay uu yahay mid la isku adeegsanayo hubka noocyadiida kale duwan.  Dadka deegaanka ayaa sheegaya dagaalka saakay ay soo qaadeen ciidamada Somaliland
Dagaalka Laascaanood ayaa socda muddo bil ku dhaw kaas oo ay ka dhalatay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ay leeyahay dadka ku dhaqan deegaanka.