dagaal culus oo markale ka qarxay Gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa dagaal culus uu ka dhacay duleedka Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay wadada u galeen Gaadiid uu la socday taliyaha Amniga degmada Balad-Xaawo oo lagu Magacaabo Cabdi Waaxid,kuwaas oo ku wajahnaa degmada Balad-Xaawo.

Dad ku sugan Balad-Xaawo ayaa u sheegay Radio Dalsan in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay agagaarka wabiga mara degmada Balad-Xaawo,sila markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Gaadiidka uu la socday  taliyaha Amniga degmada Balad-Xaawo ayaa xilliga la weeraray waxa uu ku wajahnaayeen degmada Balad-Xaawo,iyaga oo ka yimid dhinaca Doolow.

Wararka qaaar oo ana heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaas ay Al-Shabaab ku qabsadeen Gari ciidan,wallow cid madax banaan aysan weli xaqiijin.

Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid degan,waxaana la sheegay in taliyaha Amniga degmada Balad-Xaawo Cabdi Waaxid uu socdalkiisii iska siiwatay,isla markaana uu gaaray degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.