Dagaal Culus oo mar kale Maanta ka dhacay Balcad

Reading Time: < 1 minute

Dagaal kooban oo daqiiqado socday ayaa Maanta markale waxa uu ka dhacay gudaha degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kaas oo salka ku haya xiisad maalmahaan ka taagneyd degmadaas.

in dagaalkii Maanta ka dhacay degmada Balcad uu ku lug leeyahay xiisadii u dhaxeysay isaga iyo Xoghayaha degmada Balcad taas oo dhawaan sababtay in dagaal uu ka dhaco degmada.

Guddoomiye Qaasim furdug ayaa waxa uu sheegay in Madaxda Hir-Shabeelle uu ku wargeliyay xiisada ka taagan Balcad,hayeeshee aan weli waxba laga qaban marka laga reebo xubno wafdi ah oo loo diray,sidoo kalena ay dhawaan imaan doonaan Xubno kale.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!