Sida uu noo sheegay wariyaheena ku sugan Gobolka Sool, waxaa qaybo kamida goblka ka socda dagaal la isku adeegsanao hubka noocayadiisa kala duwan.
Ciidamada SSC-Khaatumo oo taageero ka heliya kuwa Puntkand ayaa sheeganaya in ay guulo waaweyn ka soo hooyeen dagaalka maanta ka dhacay deeganada dhaban- Saar ee deeganada ku gadoodsan magaalada Laascaanood.
Wararka ayaa intaas ku daraya in magaalada Laascaanood ayaa sheegaya ayaa in bariga iyo galbeedka magaalada uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.
Dagaalka ayaa ka dhashay kaddib markii ciidamada Somaliland ay dhaqdhaqaqyo ciidan ka sameeyeen jiidaha ay ku sugan yihiin. Daryanka madaafiicda la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa guud ahaan magaalada Laascaanood iyo nawaaxiga ku dhaw.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalku geystay, mana jirto cid katirsan labada dhinac oo ka hadashay dagaalka. Saakay hore, baraha bulshada ayaa lagu arkayay gaadiid xambaarsan hubka darandooriga u dhaca oo ay leeyihiin ciidamada Somaliland, kuwaas oo kusii jeeday taliska Goojacadde.
Dagaalka saakay ayaa yimid xilli xalay ciidamo maleyshiyo beeleed ah oo katirsan kuwii ku sugnaa jiidaha dagaalka Laascaanood ay soo faarujiyeen. Ciidamadan oo ka gadoodsan doorashada dowladaha hoose ee Puntland ayaa soo aaday Garowe, iyagoo qorshahoodu yahay inay is hor istaag ku sameeyaan qabsoomida doorashada.
Laakiin uma aysan suuragalin in ay joojiyaan sanaadiiqda doorashada. Dagaalka saakay horay dhacaya waxa uu dhaliyay dhaawac iyo dhimasho.