Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka culus oo ka socda Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Waxaa magalaada Baladweyne ka socda  dagaal khasaaro gaystay  xili  ay doorasho ay ka socoto Magaaladaasi.  Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu u dhexeeyo Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada Magaalada Baladweyne iyo Ciidamo kale oo malleyshiyaad ah.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Baladweyne, in Ciidamada Malleyshiyaadka ah ay ka caraysan yihiin kursi ka mid ah Golaha shacabka oo sida la sheegay loo xiray shaqsi. Kursiga Hope010 ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay  xiisaddu, waxaana dagaalku uu ka dhacay sida wararka aynu ku helnay afafka hore ee Xarunta looga arrimiyo maamulka Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu ku dhintay hal Askarui, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen. Lama xaqiijin khasaaraha kale eek a dhashay dagaalka,waxaana dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in dagaalku uu ahaa mid xooggan, oo ay macquul tahay in dagaalku intaa ka khasaro badan yahay.