Dagaal culus oo ka socda qaybo kamida Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa ka socda Koonfurta Mudug.

Dhinacyada ayaa ku dagaallamaya miyiga degaanka Qaycad oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug kadib markii ay halkaas weerar ku qaadeen ciidamada dowladdu.

Weli faahfaahin lagama helin khasaaraha kala gaaray labada dhinac oo muddooyinkii u dambeeyay ku dagaallamayay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.

Wararku waxay sheegayaan in duqayn dhanka cirka ah oo lagu beegsanayo Al-shabaab ay garab socoto dagaalkaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!