Dagaal culus oo ka dhan ah ururka Al Shabaab oo ka socda Gobolka Mudug

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle, ayaa ka faah faahin ka bixiyay howlgaladii saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Wasiir Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ay dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegeen degaano hoostega Bacaadweyn oo horey u qabsadeen.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada ay gacanta ku hayaan degaanada kala ah Bacaadweyne, Tuulooyinka Qeycad iyo Hareeri dheer, isla markaana laga saaray Al-shabaabkii ku sugnaa, kadib dagaalo saacado qaatay oo halkaas ka dhacay.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al-shabaab ay dib u qabsadeen Bacaadweyne oo shalay ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!