Dagaal culus oo ka dhacay qeeybo ka mid gobolka Gal-gaduud (Faah-faahin)

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal khasaaro geystay uu laba maleeshiyo beeleed saaakay ku dhexmaray deegan duleedka ka ah Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadkas oo dagaal kooda soo laab laabtay ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Tarar-Gaduud oo dhanka Bari kaga beegan Dhuusamareeb,waxaana la xaqiijiyay dagaalkaas ay saddex ruux ku geeriyoodeen tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin kuwo u badan Xoolo Dhaqato,waxaana dad ku sugan Dhuusamareen ay sheegeen in dagaalkaas uu la xiriiro aanooyin qabiil oo labadaasi beelood horay u dhexmaray.

Majirto mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo ka hadlay dagaalkaas,hayeeshee wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar ka mid ah waxgaradka Gobolka Galgaduud ay wadaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo labadaasi beelood.

Waa markii Afaraad oo laba todobaad gudahood ay wada dagaalamaan labada maleeshiyo beelood oo isku-heysta dhul daaqsin ah oo ku yaalla Deegaanka Tarar-Gaduud oo dhanka Bari kaga beegan Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.