Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Sh-hoose!!

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo  kuwa AMISOM oo dhinaca ah iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab xalay weerareen Saldhigyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo Mareer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay.

Dad ku sugan Buulo Mareer ayaa MOL waxa ay u sheegeen inay xalay maqlayeen rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan weli cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.

Wararka ay heleyso MOL ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas uu ku geeriyooday askari ka tirsan Ciidamada Dowladda mid kalena uu ku dhaawacmay, balse weli dhankooda khasaaraha gaaray lama oga Al-Shabaab.

Wararka saakay la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan goobihii lagu dagaalamay ee deegaanka Buulo Mareer.

Maamulka deegaankaas iyo Al-Shabaab weli kama hadlin dagaalka xalay ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab.