Dagaal Culus oo ka dhacay Degmada Qoryooleey

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka Imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowlada Soomaaliya iyo Al-shabaab uu xalay ka dhacay degmadaas.

Dagaalkan  ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ay kusoo qaadeen Fariisimo Ciidanka ay ku leeyihiin duleedka Degmada Qoryooley,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo Saacad iyo bar ah.

Dadka deegaanka oo warbaabhinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo lagu isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,isla markaana  ka dhashay Khasaaro soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Ugu yaraan  2 ruux oo labada dhinac ayaa ku geeriyootay dagaalkasi,halka tirro kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana guulo ka kala sheegtay dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaabf