Dagaal Culus oo ka dhacay Degmada Mahadaay (Faah-faahin)

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaabaya ayaa maanta la wareegay degaano ay degganaayeen Alshabaab.

Sida ay sheegayaan dadka degaanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa degaankaasi oo hoostaga degmada Mahadaay kula dagaallamay dagaalyahannada Xarakada Alshabaab.

Warar aynu helnay ayaa sheegaya in dagaalka markii uu billowday kadib dadweynihii degaankaasi ay isaga baxeen, waxaana suurtagal noqon karta in dad shacab ah uu khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ka soo gaaray marka laga soo tago dhinacyada dagaallamay oo khasaaraha ugu badan uu gaaray.

Dhowr jeer oo hore ayaa ciidanka dowladda sidan oo kale inta ay ula wareegeen degaanno ay maamulaysay Alshabaab haddana dib kaga soo laabtay.