Home News Dagaal culus oo Ka dhacay Degamada Cadalle

Dagaal culus oo Ka dhacay Degamada Cadalle

Reading Time: < 1 minute

Wararka laag helayo deegaanka Xaaji Cali ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayan in halkaais uu ka dhacay dagaal xoogan oo geystay khasaaro kala duwan,kaas oo u dhaxeeyey Ciidamada dowladda & Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen deegaankaas oo ku yaalla duleedka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo muddo saacado ah socdey.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu bilaawdey waaberigii hore ee saakay,isla markaana ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayana in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kasoo gaarey dagaalkaas labada dhinac,isla markaana mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaag yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay wadaan howlgallo kala duwan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!
WP to LinkedIn Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
error: Sorry Lama ogola in aad daabacatid
%d bloggers like this: