Dagaal ka dhacay Gobolka Sh-hoose

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ka dhacay Nawaaxiga garoonka Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen ciidamadda Dowladda gaar ahaan kuwa Danab ee Mareykanka uu tababaray.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay inay weerarkaas ku dileen kuna dhaawaceen askar dhowr ah, sidoo kalena ku qabsadeen hub, gaadiid iyo agab military.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda oo looga hadlaayo dagaalka ka dhacay Nawaaxiga garoonka Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.