Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Sanaag waxaa dagaal ka dhacay degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag kaas oo dhexmaray malayshiyaadka Somaliland iyo ciidamada dowladda Puntland.

Waxaa la sheegayaa in ugu yaraan laba askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ay ku dhinteen halka saddex kalana  ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degmada Hadaaftimo oo ku taalla magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii gudoomiyaha Soomaaliland u qaabilsan degmada Baran ay jidka u galeen ciidamada Puntland, halkaas oo uu dagaal xoogan ku dhexmaray.

Dagaalka ayaa labada dhinac waxaa ka soo gaaray dhibaatooyin.  Puntland iyo Soomaaliland ayaa horay waxa uu dagaal xoogan dhowr jeer oo hore uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo ay haatan Soomaalidiidku gacanta ku hayaan.

Dhanka kale Dagaalkan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili labo maalin ka hor madaweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu Garoowe ka sheegay in dhulka ka maqan Puntland ee ay Soomaaliland xooga ku haysato si Nabad ah in ay ku soo celin doonaan,balse wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid aysan Soomaaliland aqbali karin maadaam dhulkaasi uu yahay waxa ay ku sheegaan xuduudii uu Ingiriisku dhigay.