Dagaal culus oo caawa ka socda magaalada Laascaanood iyo duleedkeeda.

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegyaan wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood, dagaal culus ayaa ayaa caawa ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood. Labada dhinac ayaa iska adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa galay habeenkii sagaalaad kaas oo ay dhalatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan Laascaanood, duqeymaha ka imaanaya Dhanka ciidanka Somaliland ayaa intooda badan lala beegsanayaa goobaha rayidka, sida guryaha, isbitaalada iyo masaajidada ku yaalla magaalada.

Dowlada Somaliland ayaa horey ugu dhawaaqay xabad joojin bilaa sharuud ah, laakiin Isimadda Dhulbahante ayaa beeniyey sheegashada Somaliland, waxayna sheegeen in ay xabadda iyo duqeymaha wadaan.

Dagaalka gelinkii hore ayaa galaaftay saraakiil uu kamid yahay Taliyihii Guutada Gama’diid ee ciidanka Somaliland Gen. Ismaaciil Ibraahim.