Faahfaahin: Dagaalkii u-dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan DFS ee-xalay-ka-dhacay-Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho ayaa xalay  waxay ku hoyatay dagaal fool ka foola oo ka dhcay qeybo kamida magaalada Muqdisho. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogleh oo ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho, kaas oo qaatay saacado badan.

Iska horimaadka ciidanka ayaa soo billowday xalay ayaa socdo illaa waqti danbe wuxuuna u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku dagaalamaya xaafadda Kaawo Godey oo ka tirsan degmada Dharkenley ee  gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaan  goobjoogayaal, dagaalka ayaa u dhexeeyo ciidamo milatari ah oo uu wato Generaal lagu magacaabo Sheegow oo tirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada xaslinta  caasimada ee loo yaqaano Boolis milataaro.

Dhanka kale, waxaa dagaalka qayb ka ah ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaas oo isku geedaamay halka uu dagan yahay General sheegow oo isna ciidamo badan ku haysta halka loo yaqaano Haanta Madow oo ka tirsan xaafadda Kaawa Godey.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamada madaxtooyada ay ku baxeen dhibaato la sheegay in ciidamada uu wato sarkaalkan ay ku hayeen dadka deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka.

Barakac ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ka socda halka lagu dagaalamayo, maadaama uu dagaalkan saameyn ku yeeshay dadka deegaanka. Xaadda ayaa weli cakiran, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo la’isku adeegsanayo hubka noovyadiisa kala duwan.

Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadab dagaalkaas, waxaana weli socda howlgal la doonayo in lagu soo qabto sarkaalka la weeraray iyo ciidamadiisa.

Dagaalkna ayaa noqonayaa kii ugu xooganaa ee dhex mara ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda marka loo eego dagaallada sanadihii u dambeeyay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.