Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magalaaada Laascaano, Dagaal culus ayaa saaka markale dib uga bilaawday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka.
Xoogga dagaalka, ayaa maanta ka dhacaya galbeedka Laascaanood, halka barigana laga maqlaya madaafiic culus oo labada dhinac isweydaarsanayaan. Somaliland ayaa guulo ka sheegatay dagaalka socda, waxaana ay xustay in ay gacanta ku dhigtay maxaabiis.
Dagaal maanta ayaa Somaliland waxa ay istcimaashay xeelado kaduwan kuwii hore, waxaana muuqata in ay doonaysi inay deg deg u soo afjarto dagaalka Laascaanood.