Dagaal Ciidamo ka tirsan Dowladda ku dhaxmaray Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Faafaahin ayaa waxa ay ka soo baxeesaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

inta la xaqiijiyay waxaa geeriyooday 2 Askari oo ka tirsan Dhinacyadii Dagaalamay halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka iyo Ciidamo si gaar ah u tababaran oo habeen hore fariisimo ka sameestay Goobta lagu dagaaalamay.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Xaanshooleey oo ku yaala inta u dhaxeesa   Dagmadda Jowhar iyo Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi Xaanshooleey,waxana dagaalka uu yimid kadib markii ay kala shakiyeen ciidamadii Dagaalamay sida la sheegay.

Saraakiil ka tirrsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in maanta kulan ay ka yeelan doonaan Dagaalkii xalay dhaxmaray Ciidamadda kawada Tirsan Dowladda.