Dagaal beleed ka socda deegaan ku dhow degamada Balcad

Reading Time: < 1 minute

Waxaa ka socda deegaan ku beegan duleedka Balad dagaal u dhexeeyaya labo maleeshiyo Beeleed. Wararka ka imaanaya degaankaas ayaa sheegaya in  ay halkaas uu haatan ka socdo  dagaal, gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo  Caro badan oo dhexeeya  Magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho.

Sida la xaqiijiyay dagaalkaan ayaa yimid kadib markii  dhul halkaasi ku yaalla ay isku qabsadeen labada beelood, waxaana la soo warinayaa inuu khasaaro lixaad leh uu ka dhashay dagaalkaasi. Dad goobjoogaal ah  sheegay in deegaanka uu dagaalka ka socda ay saakay ka barakaceen dadka Shacabka ah ee dega deegaankaasi, kadib markii cabsi badan ay soo wajahday.

inkastoo aan wali la xaqiijin hadana warar hordhac ah ayaa sheegaya  in ilaa hadda ay ku dhinyteen dagaalkaas  labo qof halka dad badan ay ku dhaawacmen. Ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka.