Dhowrkii maalin ee u danbeeysay waxaa qeybo kamida Gobolka Shabeelada Dhexe ka socday dagaal beeleed u dhaxeeyay qabiilo walaalo ah, kaas oo ay ku dhinteen dad badan, hanti badan lagu burburiyay.
Hadaba Guddiga isku dayaya in ay dhexdhexaadin ka sameeyaan deegaanada colaada ka jirta ee u dhaxeeyso degmooyinka Cadale iyo raagaceele ayaa shalay si gaar gaar ah ula kulmay odayaasha dhaqanka ee 2 da degmo.
Guddigaan ee uu madax weynaha Hirshebelle u xil saaray xalinta xasarada ka Jirta deegaanadaas ayaa maanta booqday degmooyinka Cadale iyo raagaceele waxeeyna ugu horeyn ugu baaqeen beelaha ineey xabad joojin sameeyaan gogol nabadeed isugu yimaadaan si xal waara looga gaaro .
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle Abdi Dahir Gure Karoore ayaa sheegay in ay dadaalo kawadaan Heshiisiinta Bulshada walaalaha ah ee ay khilaafyada yar yari ku dhex marayaan dhuldaaqsimeedka ay wada dagaaan.