Dagaal beeleedka Cadale waa mid lagu carqaladeynayo dagaalka Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday deegcnada hoos yimaada degaanka Cadale ayaa u muuqda mid loogu talagalay in lagu carqaladeeyo dagaalka  ka dhanka ah argagaxisada Al Shabaab ee sida xoowliga ah uga socda degaanka Shabeelada Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku diriraya deegaanno hoos yimaada degmada Cadale in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan colaadaas.

Guudlaawe ayaa xusay in ayaan darro wayn ay tahay in waqtigaan la joogo dad ehel u dhexmaro dagaal sokeeye iyadoo deegaanada Gobolka ay ka socdaan howlgallo guuleystay oo lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa faray Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Degmada Cadale, Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, Waxgaradka iyo Culuma’uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaadaas, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado gogol nabadeed.