Dagaal Beeleed Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac oo Ka Weli Ka Socda Duleed Dagmada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeele

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Tuulada Gaashanle oo ka mid ah Tuuloyinka Hoostaga Magaalada Jowhar Xarunta hirshabelle ayaa ku waramaya Dagaal udhexeya Laba Maleshiya Beeled uu ka socda Tuulada Gaashaanle.

Dagaalka ayaa sida Xogta lagu helayo waxa uu Bilaawday Abaare Maqribadii Xalay ilaa iminkana uu ka sii soconayo nawaaxiga tuulada .

Gudoomiyaha Deegaanka Gaashaanle ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid salka ku haaya Weerar ay xoolo dhaqato ku qaadeen beeraley isla markaasina Xoolaleyda ay dileen ilaa 4 Afar Beera falata ah taasi oo sababtay in uu dagaalka sidaasi uu ku bilaawdo.

tirada Dhimashada ayaa la shegayaa in ay Gaartay ilaa 5 Qof oo ah labada dhinac ee dagaalka uu udhexeyo halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.