Dagaal beeleed mudo ka socday qaybo kamida Gobolka Hiiraan oo heshiis laga gaaray

Reading Time: < 1 minute

Dagaal beeleed mudo ka socday qaybo kamida Gobolka Hiiraan oo heshiis laga gaaray. Wafdigii kasocoday Dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ee dhawaaan garay baladweyn ayaa sheegay in ay Soo Gabgabeyeen Dib u heshiisiintii Ay Maalmahaan ka dhax-wadeen Beelahii dhawaan ku Dagaalmay Duleedka Waaqooyi Galbeed ee Magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiraan.

Wafdigaan oo dhowr todobaad ku sugnaa baladweyne ayaa garaay deegaanadii dhawaan belahaan ku dagalamaan ee kala ah baladulnuur,bardaan iyo tuuloyin kale oo ahaa kuwii belahaan dagaalada culus ku dhexmaray kaas oo geystay qsaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawc.

Qaar kamid ah waxgaradka beelihii tuulooyinkan ku dagaalamay iyo guddigii dhexdhexaadinta ayaa sheegay in ay nabad qateen wixii dhacayna lagu dhamayn doono sharceeda islaamka.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Hirshabeelle siraaji sheikh isxaaq ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib xal ka gareen dagaalkii malamahan ka socday galbeedka magalada baaldqweyne isaga oo ay garab tagnayeen wasiiro katirsan xukumadda Soomaaliya oo belahaas ka soo kala jeeda.

Inta la ogyahay dad kabadan 50 tameeyo ayaa dagaaladan ku geriyooday halka dhaawaca u intaa ka baadan yaahy, Sidoo kale maleeshiyaad ku kala abtirsada belahaan a yaa iska gubay tulooyiin badan oo dhaca halka ay ku dagalamayeen iyadoo dad badan ay halkaas ka barakaceen