Dagaal beeleed maanta ka qarxay deegaano ka tirsan Gobolka Sh/ Dhexe

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Gobolka Shabeellada Dhexe ka qarxay dagaal beeleed u dhaxeeya labo beelood oo wada-dega deegaano ka tirsan gobolka. Deegaanada dagaalka ka qarxay ayaa ah deeganada lagu magacaabo Meerta iyo Ceel Buruq.

Dagaalka maanta ka socda helkaas ayaa waxa ku dhintay nin abwaan caan ka ahaa deeegaanka kaas oo lagu magacaabo Faarax Yusuf Fiidoow. Abwaanka ayaa horay qayb uga ahaa xal u helida dagaal beeleed horay halkaas uga dhacay. Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeyo beelaha Cabdalle iyo Agoonyare oo ka tirsan beelweynta Harti-Abgaal.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay khasaare fara-badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.