Dagaal beeleed ka socda degaanka Afbarwaaqo iyo baaq loo diray dadka dagaalayo

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL horay idinkuugu soo sheegtay waxaa tuulada Afbarwaaqo ka dhacay dagaal beeleed dhexmaray dad walaalo ah oo wada degan  degaanka Afbarwaaqo. Inkasaa oo aan wali la xaqiijin dadka dagaalkaas oo wali la isku horfadhiya, ku dhintay ama ku dhawaacmay hadana waxa la sheegayaa in qasaare badan ka dhashay.

Waxa warar hordhac oo aan la xaqiijin   sheegyaan in ay halkaas ku dhinteen ku dhawaad 15 ruux tiro kale oo intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

Dhanka kale waxgaradka ka soo jeeda  labada beelood ee ku dagalaamaya Afbarwaaqo ayaa ugu baaqay labada dhinac  inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka , waxa ayna codsadeedn in lagu baxo joojinta colaadaas iyo nabadeynta labadaasi beelood.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!