Dagaal beeleed dib uga soo cusboonaaday deegano ka tirsan Gobolka Sool

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Gobolka Sool dagaal  ayaa ka bilaabday duleedka birta dheer ayaa qasaare badani halkaa uu ka dhashay, oo dhimasho, dhaawac iyo dad la qafaasheyba intaba ay dheceen. Dagaalkan ayaa dhacay ka dib markii ay dabley hubaysan ay saaka weerar ku qaadeen tuulo lagu magcaabo Filley oo Boocame Koonfur barri kaga quman, una dhow Far-dhidin.

Dagaalkan ayaa dhacay iyadoo ay socotey wada hadal labada beelood u dhexeeya, kaas oo la filayey in uu xal laga gaadho sida ay guddiga labada dhinac u dhexaysey ay sheegeen. Arrintan saaka dagaalka sababtay ayaa ka dhalatay degaameyn cusub oo degaanka marka hore la isku dilay dib looga bilaabay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!