Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka ka socda degaan lagu magacaabo Balli-soofe oo ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan dhexmaraya laba maleeshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Galdogob iyo Bandiiradley ee gobolka Mudug.
In ka badan 6 ruux oo labada dhinac ah ayaa ilaa iyo hadda ku geeriyooday dagaalka waxaana ku dhaawacmay tiro kale sida laga soo xigtay dadka degaanka. Wararka ayaa intaas ku daraya in xiisad beeleed oo maalmihii u danbeeyay halkaas ka taagnayd ay sababtay dagaalka labada dhinac.