Wararka naga soo gaaraya Magalada beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal xoogan uu ka socdo afaafka hore ee Madaxtooyada Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay dagan yahiin Madaxda Ugu horeeyso Maamulka Hirshabeellle.
Dagaalka ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu u dhaxeeyo Ciidamada Ammaanka magaalada beledweyne iyo maleeshiyo Beeleed ka careeysan in Shaqsi loo xiro Kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdisiaaq Maxamed (Jindi).
Maleeshiyaadka Ciidamada Ammaanka kula dagaalamaya magaalada beledweyne ayaa xalay soo galay gudaha Magaalada, iyaga oo Warbaahinta la hadlay, waxaana ay sheegeen in ay dagaal ka xigaan in Kursiga HOP#010 qof loo xiro.
Dagaalka ka socda Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay soo sheegayaan dad ku sugan Magaalada Beledweyne.
Damaged ayaa waxaa dabada ka riixaya Villa Somaliya iyadoo uu MW Guudlaawe rabo in si caddaalad ah loogu tartano kuraasta oo ay soo baxdo cidda ay beesha kurisiga leh rabto.