Dagaal aad u culus oo maalintii 3aad oo xiriir ah ka-socda-Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Dagaal u dhexeeya ciidammada Somaliland iyo SSC-Khaatumo ah oo maalintii sadaxaad oo xiriira ah ka socda bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Madaafiic iyo rasaas goos goos ah ayaa  laga maqlayaa goobaha ay isku hor fadhiyaan labada dhinac ee ku dagaalamaya duleedka magaaladaasi.

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadeeda ku sugan magaalada Laascaanood, ay soo weerareen ciidamada Puntland. Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay waddaamada gobolka, Bariga Afrika iyo beesha caalamkaba ay ogaysiinyso in weerar lagu soo qaaday ciidankeeda ku sugan aaga Maraaga iyo Xargaga ee duleedka Laascaanood.

“Xalay iyo maanta ciidamadayadu waxay wajaheen dagaalo ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland, kuwaasi oo kaashanaya ciidamada SSC-Khaatumo eeka  ka howlgala magalaada Laascaanood”. Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkaas.

Somaliland daan daansi ayay ku sheegtay weerarka, iyada oo sheegtay in ciidankeedu ay si guule iskaga difaaceen, isla markaana ay ka go’antahay in ay difaacaan dhulka Somaliland, waxa kale oo ay sheegtay in ciidamadaas ay rabaan in ay burburiyaan nabada, iyaga oo ka shaqaynaya danta Puntland.

Hadalka ka soo yeeray Somaliland ayaa ku soo aadaya ka dib markii Madaxda Ciidamada SSC ay dhawaan ku dhawaaqday inay qaadi doonaan weeraro isdaba joog ah, oo Somaliland lagaga fogaynayo Laascaanood, ilaa iyo hada ma jiraan ilo madaxbanaan oo laga ogaan karo cida dagaalka qaaday, iyo khasaaraha midna.

SSC-Khaatumo ayaa dhankooda sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalka ay ugu soo horjeedaan waxa ay ku sheegeen jabhada SNM ee qabiileysan.