Dadkii lagu eedeeyay dilkii caruurta ee Baydhabo oo Maxkamad la horkeeni doono

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta la soo gabagabeeyay baaritaankii dilkii caruurta waalalaha ee lagu dilay magalaada Baydhabo. Guddigii loo xil-saaray baariitaanka kiiska caruurtii walaalaha aheyd ee lagu dilay magaalada Baydhaba ayaa maanta soo gabagabeeyey baaritaankii ay wadeen muddooyinkaan, iyagoo natiijada baaritaankooda ku wareejiyey Xeer ilaalinta Guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Lafta-gareen ayaa kol-sii horeysay magacaabay guddigan, si baaritaan dhab ah loogu sameeyo kiiska dilkii laba caruur ah oo walaalo ahaa, kuwaas oo meydadkooda oo gowracan laga helay duleedka Baydhgaba 7-dii bishii Abriil. Malaaq Xasan Cali oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in dilkii carruurtaas baritankii ay ku sameeyeen natiijadii uga soo baxday ay maanta ku wareejiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dadka loo heysto kiiskan dhawaan Maxkamad la horkeeni doono, si cadaaladda loo waafajiyo oo mar kale dhibaatooyin noocaan ah aysan ugu geysan bulshada reer K/Galbeed. Dhanka kale Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka Koonfur Galbeed Awmaye Sheekh Maalin Cabdi ayaa sheegay in kiiskaan baaris kale lagu sameyn doono, si loo kala cadeeyo dadka sida rasmiga ah uga dameeyay falkii lagu dilay carruurta.