Dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Boosaaso oo la keenayo Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo la keeno Magaalada Muqdisho dadka qaba dhaawacyada daran ee ku waxyeeloobay dagaalkii shalay afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto degaannada Puntland ayaa kulan gaar ahaa  la yeeshay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyaga oo kala hadlay sidii  loo soo qaadi lahaa dadkii ku dhaawacmay dhacdadii shalay ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa sidoo kale la sheegay in ay la hadleen Xildhibaannada, isla markaana ay ogolaadeen in Muqdisho la keeno dhaawacyada daran ee isugu jira Ciidamada PSF iyo kuwa PMPF iyo dadka Shacabka ah.

Wararka kale ay Risaala ka heleyso Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Isimada Gobolka Bari ay wadaan dadaalo ku aadan sidii wada-hadal loogu dhameyn lahaa dagaalkii dhexmaray labada Ciidan.