Dadkii ku dhaawac-may Qaraxii Wanla-weeyn oo lagu Dabiibaayo Balli-doogle

Reading Time: < 1 minute

Ugu yaraan 7 Qof ayaa ku dhimatay halka ay 12 kale ku dhaawacmeen qarax shalay ka dhacay Degmada Wanllaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Maamulka Degmada Wanllaweyn ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta  in 19 qof ay waxyeello ka soo gaartay qarax ka dhacay Goob Qaadka lagu iibiyo oo ku taalla bartamaha degmada.

12ka qof ee ku dhaawacmay Qaraxa Miinada ee la dhigay Suuqa Qaadka ayuu sheegay in hadda lagu dabiibayo Saldhigga Ciidanka ee Balli doogle halkaas oo ay ku suganyihiin Saraakiil Soomaali iyo Mareykan ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Wanllaweyn ,Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah dadka dhaawacyada qaba ay xaaladdooda liidato halka kuwo kalena ay soo kabanayaan.

Waxaa uu intaas ku daray in dhawaanahan uusan qarax noocaas ah ka dhicin Degmada Wanllaweyn islamarkaana dadka magaalada ay ka argagaxeen qaraxii shalay iyo khasaaraha ka dhashayba.