Dadka u dhintay Cudurka Covid-19 oo kordhaya & walwal laga qabo faafidiisa

Reading Time: < 1 minute

Dadka u dhintay Cudurka Covid-19 ayaa ku sii kordhaya  dalka Soomaaliya iyada walwal laga qabo faafidiisa. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 67xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 71 ruux.

Wasaarka  Caafimaadka ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (15), Puntland (33), gobalka Banaadir (14), Jubbaland (5) , 42 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 25-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 17,466 waxaa bogsootay 8,531 Ruux. guud ahaan 977 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!