Dadka Tunusia oo maanta u dareeraya goobaha cod-bixinta

Reading Time: < 1 minute

Waxaa doorashadda laga soo horumariyay November kadib markii Madaxweynhihii Dalka Beji Essebsi uu geeriyooday Bishii July, waxaa uu aha Madaxweynihii ugu horreeyay si dimoqaraadi ah loo soo doorto waxana uu xafiiska qabtay sanadkii 2014kii.

26 musharax oo ay ku jiraan labo haween ah ayaa u tartamaya doorashadda. Cod bixinta maanta waxaa loo arkaa in ay tijaabo u tahay wadanka dimoqraadiyadiisu ugu da’ yartahay caaalamka.

Madaxweynihii hore waxaa uu geeriyooday isagoo 92 jir ah. Shantii sano ee uu wadanka ka talinayay waxaa lasheegay in uu wax badan qabtay xasiloonida dalka.

Haddii doorashadda maanta uu san musharaxna ku guuleeysan codadka ugu badan,  waxaa wareegga labaad ee doorashadda u gudbi doona labadda musharax ee ugu codka badan 26-ka tartamaya.