Dadka ku harsan Magaalada Beledweyn oo wajhaya xaaladii ugu adkeed abid

Reading Time: < 1 minute

Inta badan shacabkii deganaa Magaalada Baledweyne ayaa waxaa u suurta-gashay in ay ka baxaan magaalada, ka dib markii ay halakeeyeen fatahaadaha ka dhashay Webiga Shabelle iyo roobab ka da’ay Gobolkaasi Hiiraan.

Wararka ka imaanaya Magaalad Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad halis ah ay soo wajahday qoysas aan weli ka bixin magaalada, kuwaa oo codsanaya in loo soo gurmado.

dadka reer Baledweyne ayaa isaga barakacay magaalada, wixii ka dambeeyay maalintii Isniintii oo xaafadda Xaawo Taako ay ku degtay dooni ay la socdeen Masuuliyiin Maamulka Gobolka Hiiraan ka tirsan iyo weliba dad isa soo xilqaamay, oo gargaar u waday qoysaskii horey ugu barakacay Deegaanka Ceeljaale.

Qoysas tiro yar ayaa waxay xilligan ku go’doonsan yihiin xaafadda Kooshin, gaar ahaan halka loo yaqaano Laanta Raadeerka, kuwaa oo ay ku adkaatay in ay isaga baxaan magaalada, qulqulka fatahaadaha oo xoogan awgood.

Faarax Jire oo ka mid ah xubnaha qoysaska ee ku xaniban xaafadda Kooshin ayaa sheegay in xaafadaasi ay ku sugan yihiin qoysas aanay u suurta-gelin in ay magaalada ka barakacaan.

Faarax Jire ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in dadka uu isagu ka mid yahay aanay haysan raashiinkii ay u baahnaayeen. Marka ay isaga noqotana uu quuto caanaha uu ka soo liso sac uu halkaasi ku haysto.

Faarax Jire ayaa waxaa uu sheegay inaanay jirin cid u soo gurmatay qoysaska ku xaniban xaafadda Kooshin, waxaana uu ku baaqay in loo soo gurmado qoysaskaasi, si halkaasi looga soo samata bixiyo.

Jire ayaa waxaa uu muujiyay inay halis ku gadaaman tahay nolosha qoysaska halkaasi ku go’doonsan, haddii aanay helin gurmadka ay u baahan yihiina ay dhici karto in ay noloshoodu waayaan.

Dowladda Somaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka dirtay gurmadkii ugu horeeyay, kaasoo socon doono muddo shan maalmood ah, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!