Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe aya soo rogay digniino ku aadan dadka umaxkamad donta al shabaab,isagoo sheegay iney talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan dadka taga deegaanada Shabaab ay ka joogaan Hiiraan, si ay ugu soo xukumaan arimaha dhulalka iyo sidoo kale dacwadaha kale ee dilalka la xiriira.
Meelaha loo dacwad tago ayuu sheegay iney qeyb ka tahay Maxkamado Shabaab ay ku leeyihiin deeganada Quracleey iyo Booco, Gobolka Hiiraan ayuu sheegay iney ka jiraan Maxkamadaha Madaniga iyo tan Ciidamada.
Waxa uu sheegay in dadka lagu soo dacweeyo Shabaab, wixii soo gaara ay masuuliyadooda qaadayaan dadka soo eedeeyaa oo aan laga aamuseenin arimahaas.
Waxa uu shegay in Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iney ku hanjabeen iney umaxkamad doonanayaan Al-Shabaab, arinkaas ayuu ku tilmaamay iney tahay mid masiibo ah oo aan loo baahneyn xiligan