Dadka Ku Dhaqan Gobolka Hiiraan oo Amaro Culus La Dul Dhigay

Reading Time: < 1 minute

Cali Jayte Cusmaan Gudomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa amaro ka soo saaray Hubka sharci darada ah ee lagu dhex heysto magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in la kala saarayo dadka Hubka ku dhex heysta gudaha magaalada, si ammaanka loo sugo.

Wuxuu sheegay Cali Jeyte dadka hubka ku dhex heysta magaalada Beledweyne in ay yihiin kuwo isku difaacaya iyo kuwa ka tirsan ururka Al-shabaab, balse lagu kala ogaanayo marka uu maamulka bilaabo diiwaangelinta Hubka.
Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiran waxa inta badan ka dhaca falal lidi ku ah amniga iyado dhowr jeer kooxda al shabaab ay dilal halkaasi ka geysteen