Waxa sii xogeysanaya dadka u maxkamad doonta maxkamadaha al shabab maamulo badana ay kaga digeyn dadka maamulkoda ku hoos nool in ay u maxkamad doontan kooxda shabaab aya Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uu soo saaray digniino ku aadan dadka u Maxkaamdaha u doonta degaanada ururka Al-Shabaab ay ka joogaan Maamulkaasi.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa sheegay cidkasta oo loo arko in ay tagayaan meelaha Shabaab ay joogaan in aysan ku soo laabaneyn degaanada uu Maamulka ka taliyo.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan dadka taga degaanada Shabaab ay ka joogaan Koonfur Galbeed, si ay ugu soo xukumaan arrimaha dhulalka iyo sidoo kale dacwadaha kale ee dilalka la xiriira.
Meelaha loo dacwad tago ayuu sheegay inay qayb ka tahay Maxkamado Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Buula-fuulaay oo 90-KM ujira magaalada Baydhab, iyada oo ay jiraan Maxkamadaha Madaniga iyo tan Ciidamada.