Dadka ku Dhaqan Baladweyne oo Xaaladoda Caafimad iyo Mida nololed Laga Deyrinayo

Reading Time: < 1 minute

Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan oo dhawaan ku fatahay wabiga Shabeelle ayaa kasii dartay, waxaana hadda wali dadka Shacabka ay ku dhibaateysan yihiin duleedyadda magaalada Beledweyne.

Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in ay go’een Xaafado ka mid ah Magaalada,islamarkaana ay adag tahay in la galo Ama la taggo.

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ,islamarkaana ku sugan Beledweyne ayaa sheegay in Xaafado ka mid ah Magaaladda wali ay ku Go’doonsan yihiin dad isugu jira Haween iyo Carruur, kuwaasoo dulsaaran guryaha ku yaalla Xaafadda Buunta weyn.

Xildhibaan Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in Cudurro kala duwan ay ka dilaaceen Magaalada Baledweyne, islamarkaana Isbitaalladda Beledweyne ay buux dhaafiyeen Carruur ay soo riteen Cuduro kala duwan.

Mas’uuliiyinta maamulka Hirshabelle ayaa waxa ay sheegeen in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu soo badbaadinaayo dadka Shacabka ah ee ku dhibaateysan Beledweyne.