Dadajinta doorashada gudoonka waxay qatar ku tahay geedi socodka doorashada

Reading Time: < 1 minute

Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kulan wadajir ah oo looga arrinsanayo ansaxinta wax ka badelka Habraaca ku-meel-gaark ah ee Doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.

Guddiyada qabanqaabada doorashada guddoonka ayaa shalay yeeshay kulankii ugu horreeyay oo ay kaga wada hadleen xeerka doorashooyinka guddoonka labada gole iyo madaxweynaha. Guddiyada ayaa go’aamiyay in xeerka lagu ansixiyo fadhi wadajir ah oo ay labada Gole ee barlamaanka maanta oo isniin ah isugu yimaadaan.

Gudiga loo xilsaaray doorashada ayaa qorsheeynaya in gudoonka baarlamaanka la doorto mudo ku siman asbuuc taas oo laga yaabo in ay caqab cusub ku noqoto geedi socodka doorashada. Waxaa macquul ah in  doorashada gudoonka ayan ka soo qaybgalin xildhibaanda laga soo doorto Gedo.

Waxaa sidoo kale macquul ah in musharaxiinta xilalka gudoonka baarlamaanka ay waayaan  fursad ay ku ololeeyaan.

Dhinaca kale, xildhibaannada katirsan barlamaanka ayaa sheegay in madaxtooyadu Soomaaliya ay wado qorshe dib loogu dhigayo doorashada guddoonka barlamaanka, illaa lagasoo dhameystirayo xildhibaanadda aan weli dooran.

Xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan barlamaanka  ayaa sheegay inuu socdo abaabul xildhibaan oo ku aadan in dib loo dhigo doorashada guddoonka barlamaanka oo uu loolan adag ka taagan yahay.