Dadaalkii ugu danbeeyay ee badbaadinta 5 Sano jirka Ceel ku dhacay Dalka Marooko oo socda

Reading Time: 2 minutes

Rayan ayaa ku dhacay Ceel 32 Mitir ah, wuxuuna ku jiraa saddex maalmood, iyadoo malaayiin qof ay ugu duceynayaan in nolol lagu soo saaro.

Dadaalkii ugu danbeeyay ee lagu badbaadinayo wiilka shan sano jirka ah ee u dhashay dalka Maroko ayaa socda iyadoo dad badan ay rajo ka qabaan in isagoo nool oo bed qaba laga soo saaro ceelka uu ku dhcay.

Wiilkan Rayaan ayaa ku dhacay Talaadadii Ceel qalalan oo dhererkiisu gaarayo 32 mitir, tuulada Tamrout, ee gobolka Chefchaouen, Waqooyiga Morocco. Kooxda gurmadka ayaa sheegtay in laba mitir ay ka xigto gaarista, balse ay tahay xaalad adag oo laga cabsi qabo in dhulku soo dumo

Canugga yar Rayaan ayaa weli nool, isla markaana waxaa la gaarsiiyey Ogsijiin iyo Biyo, balse waxaa welwel laga qabaa xaaladiisa kadib dhaawacyo kasoo gaaray markii uu k udhacay ceelka.

Kooxdan gurmadka ayaa qodaya taako dhererkeedu dhan yahay 150 mitir iyo 32 mitir oo qoto dheer, taasoo laga barbar qodayo Ceelkii uu ku dhacay Rayaan, si ay uga soo gaaraan dhumuc jiif ah oo kadib si toos ah u gaari karaan.

Dadaalka qodista ceelka ayaa yimid kadib markii ay ku guul dareysteen dad badan oo isku dayey inay galaan Ceelka si ay gaaraan canugga ku xayiran, taasoo ka dhalatay dhexda Ceelka oo aan ka badneyn 45 sentimitir iyo carrada oo adag.

Rayaan ayaa wali lagu sii wadaa in Ogsajiinta iyo biyaha laga siiyo Tubooyinka si uu u sii noolaado, waxaana maamulka ay diyaariyeen diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Ciidanka Gendarmerie ee Marooko, waxaana goobta ku sugan kooxo caafimaad oo ku takhasusay soo kicinta Wasaaradda Caafimaadka si ay u qaadaan. soo bax waxqabadyada caafimaad ee lagama maarmaanka ah ka hor inta aan ilmaha Rayan loo wareejin xarunta isbitaalka ugu dhow.

Dalka Marooko, waxaa baraha bulshada ka bilowday olole ballaaran oo lagu muujinayo garab istaaga ubadka Rayan iyo qoyskiisa ee dhibaatadan soo gaartay. Qaar ka mid ah dadka caanka ah ayaa ku biiray ololaha ducada wilka yar, waxaana ka mida xiddiga kubbadda cagta Morocco Ashraf Hakimi iyo xiddiga xulka qaranka Algeria Riyad Mahrez.