Dadaalkii Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamoud oo maanta Soomaaliya ku baxsatay

Reading Time: 2 minutes

DFS oo furtan xarun lagu baaro caabuqa Coronavirus COVID-19 ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn farabadan maadama Dowlada aynan soo gaarin Qalabka ay ka dalbatay Dowlada Turkey iyo WHO iyo sida ay suurta gal ku tahay in caabuqa Coronavirus lagu baaro Muqdisho.

Mudo markii ay Dowlada aad ugu mashquushay arrintaan waxaa si kadis loo ogaaday 2 mashiin oo baari gara caabuqa Coronavirus in uu yaalo Xarunta sheybaarka qaranka,

Labadaas mashiin waxaa dalka usoo iibiyay Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamoud asagoo ka fikiraayo in dalka uu wajihi karo Qataro halis ah sidaasi darteedna lagama maarman unoqotay in Soomaaliya ay hesho Qalab Qalab oo tayo leh.

Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamoud halheeskii ahaa Qabyo Qofkeeda Dhameeatiraayo. Dadka intiisa badan waa ay diideen,

Balse waxaa soo baxday in Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamoud uu yahay waaya arag leh aragti fog,  waxqabadkiisana u arkay in uu ku dhameestiri karo howlihii uuso bilaabay.

Maanta Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalka xukumayaa 3 sano iyo bilooyin majirto xero ciidan uu  dhisay, cisbitaal cusub uu dhisay, iskuulo cusub uu dhisay balse intaas cagsigooda waxaa lagu xasuusta iskuulo dowladeed oo si musuqmaasuq looga gaday ganacsato taas oo markii barlamaanka moshin ka keenen lakala furfuray, Xerada General Gordan oo ay dhistay Dowlada UAE maanta majirto tababar lagu sameyo halka awal 6 bilood aykasoo aflixi jireen 1 urur oo ka tirsan CXDS,

Madaxweyne Farmaajo kaliya wuxuu sheegtaa  waxqabadka Dowladii kahoreysay oo ay soo bilaawday taaso ay ugu horeyso dhismaha Xerada TurkSom oo ay dhistay Dowlada aan walalaha nahay Ee Turkey taaso hishiis kula gashay Dowlada Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamoud in loo tababaro 10 kun oo ciidan kumaandoos ah taas oo fulinta hishiiskaas ay hada wado Turkey,

Dadka Soomaaliya waxaay halis ugu jiraan in ayku kala tagaan Habdhaqan hogaaminta fashilan ee Madaxweyne Farmaajo,

Midka mid ah dadka xog ogaalka ah oo bartiisa Facebook kusoo qoray labada mashiin uu soo gaday Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamoud  sida loogu baxsaday hadaladiisa waxaa ka mid ah sida tan

Sheekadii Madaxweyne Xasan Sh. ee “ Qabyo Ninkeeda ayaa Dhameystiro” hadda ayaan fahmay!

Ma aqaano wax lagu tilmaami karo marka 6 bil kadib aad ogaato inaad heysato qalab aad meel fog u raadin jirtay, dunida ugu qeylo dhaamisay, kuna bixisay 650,000!

Dadka aan ka hadlayo waa Nabad iyo Nolol, waxaa ay 7 machine oo nooca “Real Time PCR” ee lagu baaro Coronavirus ay ka dalbeen dalka Turkiga halka 3 kale ay ka codsdeen hey’adda WHO, intaba weli looma keenin oo midkiiba qiimihiisu waa 65 kun oo dollar!

Kiisaska 8-dda ah ee laga helay Coronavirus waxaa loo dirayey midkiiba Labo dal, Kenya marka laga keeno kadibna hubinta South Afrika!

Iyaga oo labo dal laga sugayo jawaabta, iyada oo aan weli la keenin machinada 10-ka ah oo midkiiba ku baxeyso 65,000, oo madaxa la iskula jiro ayaa mar qura waxay ogaadeen in 2 machine oo nooca “real-time PCR” oo uu horay u soo iibiyey madaxweyne Xasan Sheekh 2016-kii, laguna baari karo Coronavirus ay yaalaan Sheybaarka qaranka isla markaana ay qaban karaan shaqadii loo diri jiray Kenya iyo South Afrika, loogana maarmi karo 10 machine oo midkiiba 65 kun oo dollar ah!

Gurbiye,