Dadaalka Diblomasiyadeed ee  Go’doominta Somaliya ee ay Kenya Waddo iyo Kaa Aamusidda Farmajo, Mursal iyo Kheyre maxaa ka dhaxeeya? Akhriso

Reading Time: 3 minutes

Dalka Kenya ayaa waxay si xoog leh u waddaa inay Somaliya go’odoomiso siyaasad ahaan iyo inay hesho waddamo badan oo ku kaalmeeya in dacwadda badda ama la soo celiyo ama aysan maxkamadda caalamiga ah ka gaarin go’aan cad sida mid mugdi ku jiro oo keenaya ina la wadahadlo ama  la sameeyo dib u dhigis dheer oo dib loo soo weydiiyo caddeymo iyo qoraallo hor leh.

Kenya waxay la kulantahay dalal badan oo ah kuwa ku jiraa golaha amaanka ee QM, waxayna ka dhaadhicisay in Somaliya ay khater u keeni karto geyiga iyo dalkooda naftiisa labadaan sabab dartood:

  1. Haddii la oggolaaado in shidaalka dalkaas la soo saaro ay Somalida iksu dili doonto dalkana uu u noqon doono dagaal sokeeye maadama aysan haddaba wada hadln dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dhulkooda shidaalka la qodi doono.
  2. In dalka uu u kala jabo gobollo ama dalal yar yar oo qaarkood Shiinaha la xerto, taas oo khater weyn ku ah danaha waddamada reer Galbeedka.
  3. In haddii badda loo xukumo ay keeni doonto inay siiso awood dawladda Somaliya ay ku xakameyso biyaha badda ee keenya  soo gala oo ay Khasab noqoto in Kenya ay Somaliya fasax uga baahato inay badda isticmaasho waayo Somaliya ma laha awood ay badda ku ilaalinn karto ammaankeeda waxaana kahater galaya badeecadaha u socdaa Kenya, Ugandha, Rwanda, Brundi iyo Sudaanta Koofureed.
  4. Itoobiya oo ka shaqeyneysa sidii wax u eg heshiis lugta ii geli ah ay uga saxeexi lahayd madaxda Somalida oo iyadana si aad ah u socota. Sida in Baraawe laga kireeyo oo ay ciifankooda cusub ee badda uu isticmaalo ugana dhigto saldhig.

Marka si arrimahan loo fuliyo waxay Kenya iyo Itoobiyaba gadayaan in Somaliya la xakameeyo iyadoo la isticmaalayo golaha ammaanka iyo urur goboleedyada ka jira gobolka sida IGAD.

Waxaana kuu cad in  duraba la bilaabay hawshaan oo waxaa la soo celiyey qaraaradii golaha ammaanka ee xelligii dowladihii KMG ahaa 2012. Kuwaas oo sheegayey inay Somaliya khater ku tahay geyiga loona baahana yahay in la xakameeyo.

Haddaba waxaa is weydiin mudan iyadoo ay waxan oo dhammi ay dhacayaan ayaan waxaa dowallada iyo Baralamanka midkoodna ka muuqan inay arrimahan ka dhiidhiinayaan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya waxay isu martay wadammo badan oo ay ka dhaadhicineysay arrimahan halka madaxdeennuu ay ku mashaquul yihiin sidii loo ridi lahaa Axmed Madaoobe, Waare iyo Xaaf loona saari lahaa maqaarsaarro lagu adeegan karo mamulladaas. Iyo dhinaca kale oo madaxdeennu ay tuugsi iyo Gacan maris ay ugu jiraan waddamada Qater iyo Norway.

Dalka waxaa uu ku jiraa khater ammaan, mid caafimaad, mida siyaasadeed iyo mid diblomasiyadeed. Waxayna u muuqataa in madaxda hadda joogtaa ay hagardaamooyinkan qeyb ka yihiin maadaama aysan wax hadal ah ama qoraal ka so saarin waxayaabaha socda oo la hubo inay ogyihiin.

Tusaale waxaa ugu filan maxaa hadda loo soo celiyey qaraaradii waqti hore ahaa oo ku saleysanaa xaaladihii markaas jiray ee uu dalku ku sugnaa? Dalka hadda waxaa uu ku jiraa marxalad kale oo aad uga wanaagsan kuwaas, laakiin ay haso hogaanxumo oo kaliya. Haddaba shacbiga waxaa haboon inay maanta wax ka yiraahdaan arrimahaan oo mar haddii la soo ansixiya si sahlan dalka loogu fulin doono.

Waa dhab in RW kheyre uu ku mashquulsan yahay ibinta ceelasha shidaalka iyo sidii uu uga qaadan lahaa boodjebis mid kasta, iyadoo MW Farmajana uu ku mashquulsan yahay sidii loo harridi lahaa madaxda seddexda dowlad goboleed, loona dumin lahaa maamul goboleedyada H/Sahabeelle, G/Mudug iyo Jubbaland.

Dib u eeg hal maamul oo sedexdaan ah oo shaqo qabtay ma laha waayo waxaa lagu hayey dhibaato iyo cunaqabteyn joogta ah. K/Galbeed waxaa  la dulsaray mid aan kala jecleyn oo aan waxba kala ogeyn iyo Puntland oo danteeda wadata kana tagtay dalka intiisa kale dhinacyada horumarka marka laga eego, iyadoo Banaadirna dhinac kasta laga dumiyey, dhaqaalahana laga gurto.

Isku soo duub waxay u eg tahay inay arrimahan dhici doonaan haddaan rabbi maaha dhihin:

  1. Dawacadda badda oo si loo fashiliyo ama ha la soo celiyo ama hala tuuro ama ha la dib dhigo ama go’aan mugdi ku jira oo laga qaato sidii kii ahaa “ Cali Mahadi Gar leh, Ceydiidna ma gardarra”.
  2. Maamul goboleedyahada oo qaarkood duma, dagaallo sokeeyana gala.
  3. Farmajo iyo Kheyre oo is dila kuna dagaala xaraanta iyo hogaanxumada.
  4. Koofurta Somaliya oo mar kale lagu soo roga inay tahay Qaran burburay (Failed State) oo ay Khasab tahay in ay u taliyaan waddamada ay dhibaatada ka soo gaari karto sida Kenya iyo Itoobiya si sharteeda looga nabadgalo iyadoo Puntland iyo Somaliland marna loo carab laalaadiyo marna madaxa la isku geliyo.