Dadaaladii nabadda raadinta oo hakad galay & Shirkii Addis Abbaba oo baaqday

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo loo balansanaa in wafdi ka socda labada dhinac ee isku horfadhiya magaalada Laascaanood inay ku kulmaan magaalada Addis Ababa ayaa balantaasi ay baaqatay.

Garaad Cabdisalaan Xasan, Afhayeenka Isimada dhaqanka beesha Dhulbahante ayaa sheegay in ay ka baaqsadeen ka qaybgalka shirkii Addis-Ababa ee loo balansanaa isagoo sabab uga dhigay in madaafiic mararka qaar ku soo dhacayaan magaalada iyo in Ciidamada Somaliland aan laga darjin magaalada Laascaano Lana geeyo deegaanka Oog taas oo saldhig u ahayd in wadahadallo u bilaamaan.

Dhinaca kalena madax-dhaqameed ka imaan lahaa dhinaca magaalada Hargeysa ee abayd in ay ka qayb ka noqdaan shirka Addis Ababa ayaa iyana baaqday.

Xaalada Laascaanood ayaa ah mid wali qasan, dagaalkana Markale ayuu dib u bilaaban karaan.

Odoyaasha Dhaqanka Dhulbahante ayaa ku kala qaybsan qaabka loo wajahayo codsiga nabadraadinta ee kaga yimid dalka Itoobiya.