Iyada oo in mudo ah Soomaalida ku nool Koonfur Afrika hantidooba la bililiqaysanayay iyada oo dowlada Koonfur Afirka ayan waxba ka qaban ayaa maalintii shalay ahayd Burcad Madow Koonfur Afrikaan ah ay boob xooggan kula dhaqaaqeen dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.
Dhacaan loo gaystay Soomaalida ayaa ka dhacay deegaanka Soweto ee magaalada Johannesburg , waxaana la boobay dhowr dukaan, sidey inoo sheegeen ganacsato ku sugan halkaasi. Boobkan ayaa yimid kadib markii ganacsade Soomaaliyeed ay isku dhaceen shaqsi la sheegay inuu wax ka iibsanayey, taasina ay keentay iney ka caroodaan dadka deegaanka, sidaasina lagu boobo ku dhowaad Boqol Dukaan.
Ma aha kaliya in Soomaali kali la booobay laakiin waxaa sidoo kale la boobay ganacsato Itoobiyaan ah, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah ganacsatadaasi. Soomaalida ganacsiga ku haysta dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan dhibaato kala kulma dadka madowga ah ee u dhashay dalkaasi, waxaana mararka qaar ay la kulmaan weeraro sabab dhimasho iyo dhaawac.