Dad shacab ah oo lagu xasuuqay wadada u dhaxeeysa Balcad iyo Muqadishu

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanka deegaanka Balcad ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 qof ay ku dhimateen labo qof kalana ay ku dhaawacmeen ka dib markii xalay fiidkii koox hubeysan ay tacshiirad  ku fureen gaari  ay saarnaayeen dad shacab ah  oo halkaas marayaay.

Sida la sheegayo Weerarka lagu dolay dadka Shacabka ah ayaa ka dhacay Tuulada lagu magacaano Xaanshooleey oo ku taalo meel u dhaxeysa  magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad. Wareeysi lala yeeshay qaar ka mid ah dadki ku dhawacmay  weerarkaas ayaa sheegay  in wadahii gaariga rakaabka ahaa  uu diiday in uu joojiyo gaariga sidaasna rasaasta loogu furay.

Dadkii dhaawaca gaaray ayaa loola soo cararay magalaada Muqadishu halkii dadkii ku dhintanya weerarkaas loo celiyay deeganadii ay ka yimaadeen.