Wararka ka imaanaya deegaanka Jilib Marka ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in rasaas lagu furay gaari ay saarnayen dad shacab ah oo wadada marayay.
Dadkii saarnaa gaariga ayaa waxaa lagu soo waramayaa in qaarkood ay ku dhaawacmeen, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in ay jirto dhimasho, balse wararka ayaa ah kuwo aan faah faahino badan laga helin, sababo la xiriirta dadka oo aan Taleefan lagu heli Karin.
Ilaa iyo hada lama oga cida rasaasta ku furtay dadka shacabka ah ee marayay deegaanka Jilib Marka ee Gobalka Shabeelaha hoose.
Shalay ayaa deegaanka Jilib marka waxaa ku dagaalamay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.